FAALLO:-Isbedel ayaa laga rabaa Garsoorka Dalka

Date:

Muqdisho(SONNA)–Garsoor waa gacmaha iyo dhidibada cadaaladda ama dawladnimda hadaanuu garsoor jirin cadaaladi ma jirto, iyadoo taasi jirto ayaa ka jira Dalka Soomaaliya Nidaamka Maxkamadaha Dalka oo ka kooban:- Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadda,Sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Maxakamadda Derajada Koowaad.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furay Magaalada Muqdisho shirkii wadatashiga dib u habeynta hey’adaha garsoorka dalka, kaasi oo socday inta u dhaxeysay 1-dii Abriil ilaa iyo 5-tii Abriil, 2013-kii, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen:- Faaqidaadda Caqabadaha hortaagan Garsoorka, dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hey’adaha Garsoorka, soo celinta kala dambeynta iyo u hogaansanaanta sharciga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhowr jeer ka hadlay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sameynta Garsoor ku saleysan Cadaalada, isagoo xusay in dowladiisa ay iminka waddo dhaqan galinta nidaamyo dhowr ah oo lagu horumarinayo Garsoorka, waxa uuna cadeeyay in mowqifka dowladiisa uu yahay Soomaaliya oo yeelato Garsoor caadil ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo ka soo gaaraya dhanka Bulshada, taasi oo ku saleysan dhanka cadaalada, waxa uuna farta ku goday in ciddii ay ku helaan Garsoor xumi ay wajihi doono Ciqaab, Xil ka qaadis iyo dadkiisa iyo dalkiisa oo uu kula kacay qiyaana Qaran, wuxuuna yiri, ”Horay waan uga hadlay Garsoorka haddana waan ka hadlayaa dowladdu kama raali noqon doonto Garsoor aan ku saleysneyn cadaalad”.

Farmaajo waxa uu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyiinta Garsoorka looga baahan yahay inay ku dadaalan Cadaaladda haddii kale ay dhibaato ka dhexlayaan adduun iyo Aakhiro haddii cadaalad darro ay ku kacaan, wuxuuna ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono arrimaha Garsoorka Dalka si loo helo Cadaalad hufan, wuxuuna raaciyay, ”Waxaad dareemi doontan isbedel dhanka Garsoorka ah, waxaan ku dadaaleynaa in la helo Garsoor caadil ah oo mideyn doona Ummadda Soomaaliyeed”.

Haddaba maanta ayaa waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA soo gaaray wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu shaqada kaga joojiyay kaga fariisiyay 18 garsoore oo ka howlgalayay Maxkamadaha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen, haddaba waxaa looga fadhiyaa Dowladda inay isbedel la taaban karo ku sameyso laamaha Caddaaladda Dalka oo habacsanaan badan ka taagan tahay.

W.Q:- C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...