Amiirka Dowladda Qadar oo maanta Furay  Deked Caalami ah.

Date:

الQadar-(SONNA)- Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiin Xamad Al-Tani ayaa maanta xarigga ka jaray Deked cusub oo laga hirgaliyay Konfurta magaala madaxda dalkaasi ee Dooxa .

Dekeddaasi oo loogu magac daray sheikh Xama,waa tan ugu weyn ,uguna casiriyeysan dalkaasi,waxayna  awooddaa in  saddex meelood meel laga  soo dejiyo Ganacsiga Bariga Dhexe ,iyadoo dhismaheeda ay ku baxday kha5rsh dhan 7.5 Bilyan oo Doollar.

Maamulka Wasaaradda Isgaarsiinta dalka Qadar ayaa sheegtay in dekedan casri ah ay ka kooban tahay qeybo kala duwan sida Bakhaarada lagu keydiyo badeecadaha oo ay ka mid yihiin sida cuntada oo la sheegay in ay keydin karto karto baahida cunto 3-milyan oo qof muddo laba sano ah.,waxaana qeyb mug leh ka qaadanaysaa 200% baahida suuqa maxliga ee dalkaasi, iyo waliba 35% baahida ganacsiga wadamada mandiqadaasi ku yaal ee Bariga Dhexe.

Maamulka Wasaaraddaasi waxay kaloo intaa raacisay in masaaxadda ay Dekeddan cusub ku fadhido ay dhan tahay 28.5km isku weer ah, keydinta Cuntada iyo badeecadaha kale ka sokow waxay kaloo qaadi kartaa 5 kun baabuur iyo 74 kun oo Ari iyo 8kun Tan oo ah qalabaka dhismaha.

Sidoo kale Dekeddan cusub oo uu maanta xarigga ka jaray  Amiirla dalka Qadar waxay doowr weyn ka ciyaaraysaa  ka hortagga cunqabateynta  wadamada Khaliijka qaarkood ay dhawaan saareen  Qadar iyo waliba isku xirka marinada Maraakiibta caalamiga ah.

Dekeddaasi cusub ayaa la dhameeyay lix bilood ka hor waxqtigii loogu tala galay in la furo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...