Dowladda Masar oo si kulul u cambaareysay weererkii Maleeshiyada Shabaab ay ku qaadeen Deegaanak Buulo-Guduud

Date:

Dowladda dalka Masar ayaa si kulul u cambaareysay talaabadii maleeshiyada Shabaab ay ku weerareen Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa la sheegey in Xukuumadda Qaahira, ay siweyn u dhaleeceynayso, weerarkaasi oo maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen ciidamada Dowladda eek u sugan Jubbada Hoose.

Bayaanka ay soo saartey Dowladda Masar ayaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu  hogaaminayay ay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi Masar, halkaasi oo ay heshiisyo kula soo galeen madaxda dalkaasi.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah,waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

#SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...