Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Jamhuuriya oo xaflad loogu qabtay Muqdisho

Date:

Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, Waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada Jaamacadda guusha weyn ee la gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda ay tahay soo saaridda Arday tayadoodu sareyso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardayda qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxa ay ardaydu barteen ay uga faa’ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay bahda Waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada tacliinta sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardadii qalin jabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go’aankii ay gaareen afar sano kahor.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...