Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo talaalaysa saddex Milyan oo Neef

Date:

Muqdisho(SONNA) Kooxahaani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doona malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, laga dawayn doono cuduro kala duwan oo ay jadeecadu gu horayso.

Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.

Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu  sheegay in sanooyinkii  ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.

Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.

Wasiirka Xananada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland  C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha.

Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo sanooyinkii u dambeeyay ay dhaceen abaaro saameeyay nolasha xoolo badan oo ay nooli ka heli jireen reer guuraaag Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...