Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku amaanay Qurba joogta Soomaaliyeed dowrkoodi ku aadan horumarka dalka

Date:

Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabda sagootin ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Amsterdam ee Dalka Holand, ayaa siweyn uga hadlay guulaha Dowladda Soomaaliya ay gaartay.

Madasha waxaa Goob joog ahaa aqoonyahano,bulshada Soomaaliyeed oo rag iyo haweenba leh iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar,waxaana jaaliyadda Soomaaliyeed ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka, iyagoo xusay in lacag gaaraysa 60,000 kun oo dollar ay ugu deeqeen walaalohooda oo Abaaraha saameeyey.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo munaasabadaasi hadalka jeediyay ayaa ku Ammaanay Jaaliydda Soomalaiyeed ee Holand, sida ay ugu diyaar sanyihiin taageeradda Dowladda Soomaaliya.

“Waxay ahayd markii ugu horeysay 2000 shirkii Carta,Aqoonyahno badan oo qurba joog ah ayaa ka qeyb gashey shirkaasi iyo dhis,mihii Dolwdda,waxaana kamid ahaa siyaasiin rug cadaayaal ah, weliba kaalin hormuud leh ay ka qaateen,intaasi kadib waa ay sii xoogaysteen,maanta waxaa la marayaa in isbedelada wadanka ka dhacay ay qeyb ka yihiin,Wasaarad walba waxaa ka shaqeeya dhalinyaro iyo aqoonyahano qurba joog ah,Qaarkood ganacsi iyo shaqooyin kale ayaay abuureen, waxaa la dhihi karaa dowrmuhiim ah ayay horumarka dalka ku leeyihiin”,Ayuu yiri Wasiir Yariiswo.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Dalka Haatan uu kajiro isbedel la taaban karo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay hirgelinta waajibaadkii loo igmaday, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool daafaha Caalamka in ay sii xoojiyaan kaalintoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

C/llaahi Max’ed Xuseen Taajirow Holand

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...