Maxaa sabab u ah sare u kaca khudaarta ee Suuqyada Muqdisho:Dhageyso warbixin+Sawiro

Date:

Muqdisho(S)NNA) Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto khudaarta, noocyadeedi kaladuwan,taasi oo saameysay dadka danyerta ah.

C/raxmaan Max’ed Siyaad waxaa uu ka mid yahay ganacsada khudaarta kala duwan ee Suuqyada Muqdishpo,isagoo xusay in taasi ay sabab u tahay wax soo saarka dalagyada Beeraha oo gaabis noqday markii roob yeri ay dhacday.

Saameynta khudaar yerida Suuqyada ayaa laga dareemayaan Maqaayadaha Muqdisho iyo xaafadaha, iyadoo istaicmaalka Qudaartu ay kamid tahay waxyaabaha muhiimka u ah jirka aadanaha caafimaad ahaan.

“Magacaygu waa C/raxmaan Maxamed Siyaad waxaan akmid ahay ganacsatada Suuqa khudaarta Xamarweyne, sicir barar dhanka Qudaarta ayaa jira, dalagii Beeraha sida qudaarta noocyadeedi kaladuwan oo roob la’aantu sabab u tahay, qiimo qaali ah ayay suuqa ku imaanaysaa,marka taasi saameyn weyn ayaay nagu yeelatay”, Ayuu yiri C/raxmaan Siyaad.

C/raxmaan oo ka ganacsada khudaarta qooyan ayaa sheegay in hadda tan ugu qaalisan ay tahay Yaanyada, oo tenegii uu gaarayo 6ilaa 7 boqol oo kun oo Shillin Soomaali ah,halkii hore boqol ilaa 150 konton Shillin Soomaali ah ay ahayd.

DHAGEYSO WARBIXN UU KA DIYAARIAYAY WARIYE

C/qaadir Cali Axmed

DCIM100MEDIA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...