Ilaa 8 dhalinyaro ah oo bilihii ugu dambeeyey lagu dilay Mareykanka

Date:

Muqdisho(SONNA) Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka,kadib markii kooxo loo yaqaano Gangs ama Qowleysato ay ka abuurmeen dalkaasi,kuwaasi oo isugu jira Soomaali,Ajaanib Mareykan ah iyo kuwo kale oo soo galooti ah.

Ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kaladuwan loogu dilay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka,dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey,waxaana la aaminsanyihiin in kooxahaasi Qowleysatada ah ay dilalkaasi burcadnimada laxiriira ay geysanayaan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeedee  magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu soo wajahay culeysweyn oo ay ku keeneen dilalalkaasi oo sii xoogeysanayo.

“Waxaa horey dhib ugu qabi jirnay dhalinyaro ka hooseysay 20 jir kuwaasi oo aan waxbarasho haysan oo bulshadu dhibaataynayay, balse hadda kuwaan waa kuwo ka waa weyn,waxay waa Qowleysato isugu jirta dhalinyaro Soomaali ah,Kuwo Mareykanka u dhashey iyo kuwo kale,ilaa 8 qof ayaa bilihii ugu dambeeyey la dilay,Bishii June, 3 qof ayaa ladilay, July wiil ayaa ladilay August, 2 wiil marka waa dhibaato xoogan.

Soomaalida kunool gobolkaasi Ohio ayaa kulamo la yeeshey Booliska si looga hortago dhibaatooyinkaasi,balse waxaa adag in la helo xogo ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, sababo la xiriira waalidiinta oo ka cabsi qaba in hadii ay farta ku fiiqaan kooxcahasi ay dhibaato la kulmi karaan.

Sababaha ugu weyn oo keentey in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan falalkaasi Qowleysatanimada ah ayaa kamid ah, Waalidiinta oo inta badan Caruurto la joogin,waalidka oo kala Maqan iyo deegaanada qaarkood oo aan wanaagsanayn, Soomaalida ayaa walaac xoogan ka qaba arrintaasi.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...