Muwaadiniinta 6 dal oo Soomaaliya ay kujirto soo dhaweeyey go’aankii maxakamadda Federaalka

Date:

Muqdisho(SONNA) Go’aankani oo ka soo baxay Maxakamada Federaali ah ee dalka Mareykanka ayaa farxadgeliyay muwaadiniinta wadamo Soomaaliya ay kujirto’kuwaasi oo madaxweyne Trump uu horey uga joojiyay dal kugalka waxayna sheegeen in ay si weyn u so dhaweynayaan.

Dadkii loo diiday inay galaan dalka Mareykanka  ayaa haatan ufuran in ay dib u codsan karaan dal-ku-galka dalkaasi mraeykanka, kaddib markii maxkamad federaal ah ay go`aan ka soo saartay amarka madaxweyne Donal Trump.

Donal Jey Trump Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa amarkaasi saxiixay bishii January, kaas oo ka mamnuucaya muwaaddiniinta toddoba dal oo Muslim ah Soomaaliya ay ku jirto inay galaan Mareykanka.

Mareykanka ayaa haatan waxaa uu wajahayan in uu xiriiro la sameeyo  shakhsiyaadka ka laabtay xudduudaha kaddib amarkii sare oo dhaqan galay 27-kii January,waxaana la sheegay in Heshiiskanuusan  damaanad qaadeynin in codsadayaasha ay helayaan dal-ku-galka.

Shakhsiyaadkii hore looga mamnuucay inay Mareykanka galaan ayaa ahaa labo muwaaddiin oo Ciraaq u dhashay oo kala ah; Hameed Khalid Darweesh iyo Haider Sameer Abdulkhaleq Alshawi.

Go’aankii horey uu u qaatay madaxweyne Trump ayaa dhaliyay cabashooyin ay muujinayaan kumanaan muslimiin ah, kuwaasi oo ka walaacsanaa talaabadaasi, go’aamo kala duwan ayaa ka soo kala baxay maxakamadaha heer gobola iyo heer federal.

Balse Madaxweyne Trump ayaa goor dambe difaacay go`aankiisa, isagoo sheegay inuusan ahayn mamnuucid ka dhan ah Muslimiinta.

Toddobada dal ee go`aankii hore ee 90-ka maalmood ahaa uu saameeyay ayaa kala ah Iiran, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Siiriya iyo Yemen. Ciraaq ayaa mar dambe laga saaray liiska.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...