Maxaad ka taqaanaa Degmada Buula-Burde?Akhriso warbixin+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Inkastoo aan hadal iyo qoraal midna lagu soo koobi Karin Taariikhada Degmada Buula-Burde ayaa hadan waxaa eegi doonaan inta laga xusuusto,Waxay Degmada ku taala meel u dhow xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana Webiga Shabeele, Buundo weyn ayaana magaalada Dhexmarta, waa Degmo Istraatiiji ah, waxay kamid tahay degmooyinkii ugu dambeeyey ee Gobolka Hiiraan oo laga saarey maleeshiyaadka Shabaab iyadoo marki Shabaab laga saarey ay halkaasi ka dheceen banan baxyolagu taageerayay guulaha Dowladda.

Marka loo fiiriyo gobolka Hiiraan waa magaalo Facweyn oo lagu qayaaso in 100 sano ay ka Facweynatahay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne,magaalada waxaa mara waddooyin istraatiiji ah kuwaasi oo isku xira isu socodka dadka iyo gaadiidka Gobolada Dhexe,Waqooy iyo Koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay qayaas ahaantii ujirta 120 KM,Dhaqaalaheeda wuxuu ku tiirsanyahay wax soo saarka Beeraha iyo xanaanada Xoolaha,waxayna leedahay howo macaan cilmilo ahaan.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana degmada sanadihii ugu dambeeyey waxaa laga dareeayay hoos u dhac horumarka adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada dib u dhiska,waxaana taasi inta badan loo sababaynayaa mudadii ay gacanta ku hayeen kooxaha Argagixisada oo shacabka ka hor istaagi jirey in ay qaadaan talaabooyin dhanka horumarka ah

Laakise maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay Degmadaasi ayaa durba bilaabay dadaalo ku aadan dib u diska xarumaha muhiimka ah,olole nadaafadeed oo isugu jira jarista dhista oo ku taala hareeraha waddooyinka taasi oo qeyb ka ha soo celinta bilicda magaaladdaasi oo Taariikhiga ah ee Buula-Burde.

Cabdi Daahir Guure oo ah guddoomiyaha cusub ee Degmadaasi Buula Burde ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in in ujeedka uu yahay sidii loo soo celin lahaa horumarkii kajirey degmada.

“Waxaan jira sida aad la socotaan, dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso dhanka nadaafadda, sababaha maamul ahaan nagu kalifey ayaa ah in laga fogaado qashinka iyo waxyaabaha kale oo keeni kara cudur ku faafa bulshada,waxaa sidoo kale soconaya dadaalo ku aadan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarumaha danta guud”, Sidaasina waxaa yiri Guddoomiye Cabdi Guure.

Xaafadaha ugu caansan waxaa kamid ah Indhac-Ceel

2: Octoober

3: iyo Xaafadda Hanti Wadaag

Buulo Bude Jaho ahaan waxay xarunta Gobolka Hiiraan kaga aadan tahay Dhanka Koonfureed, waxaa kuyaala ilaa 3 dugsi sare,iyo hal Jaamacada, iskuulada mid kamid ah waxaa lagu magacaabaa Deebleey oo ahaan jirey magicii horey loogu aqoonjirey degmadaasi ka hor inta aan loo bixin Buula-Burde.

majiro isbitaal Rasmi ah oo xiligan dadku ay ka helikaraan adeegyo caafimaad oo buuxo,marka laga soo tago xarumo caafimaad oo si gaar ah lo leeyahay kuwaasi oo dadku ay ka helaan adeegyo caafimaad oo aan dabooli Karin baahiyaha rasmiga ah.

C/Naasir C/qaadir Geesey Buula BUrde

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...