Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ku booriyay xoojinta midnimada

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Pretoria ee caasimada dalka South Africa xaafada ay Soomaalida ka dagan yihiin waxaa saakay isugu soo baxayay boqolaal dadweyne Soomaali ah iyo muslimiin kale oo u diyaarsanaa dabaaldaga ciidaul Adxaa .

Masjidka Imaamu Bukhaari lagu magacaabo oo Soomaalida ku leedahay xaafadaasi ayaa waxaa ay si wadajir ah ugu dukaday labada rako ee salaada ciida waxaana la dukaday Soomaalida halkaasi ku dakunayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Jamaal Maxamed Barrow.

Safiir Jamaal Maxamed Barrow ayaa halkaasi kula hadlay Soomaalida waxaana uu kula dardaarmay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isku xernaanta jaaliyadda si wadajir ah looga hortago waxyaabaha dhibaatada ku ah bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Africa.

Culimada masjidka ayaa Halkaasi ka jeediyay qudbado kala duwan oo ku aadanaa sidii loo xariirin lahaa waalidka iyo qaraabada gaar ahaan maanta oo kale iyo maalmaha kale ee farxada.

Soomaalida kunool daafaha caalamka ayaa siweyn uga qeyb qaatay dabaal dega munaasabadda ciidaul Adxa,iyadoo inta badan khudbadaha mas’uuliyiinta iyo culimada ay la xiriiraan sidii loo ilaalin lahaa midnimada.

By Cabdiqaadir Axad.

Pretoria-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...