Soomaalida kunool Mareykanka”Rabbiyow dalkeena Hooyo inoo nabadeey”

Date:

Muqdisho(SONNA) Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka  waxaa si wadajir ah looga tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ahayd munasabad qiima weyn u leh dhamaan shucuubta islaamka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo qaar kamid ah ajaanibta kale ee muslimiinta ah oo kunool dalkaasi, ayaa iyagana Salaadda Ciiddul Adxa ku oogay Masaajidda waaweyn ee kuyaala halkaasi, kuwaasi oo isugu marxabeynayay farxad iyo reynreyn.

Qaar kamid ah culimaa’udiinkii iyo waalidiintii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay farxadda ciidda ee kunool Mareykanka ayaa waxaa ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyeed in ilaahay uu ka saaro dhibaatooyinka.

“Calankeyna Soomaaliyeed ilaahay sharaftiisa kor ha u qaado, dareenkeni waa uu fiicanyahay, balse waxaan leenahay, ilaahoy dalkeena nadabd nooga dhig,calankayna kor, cadowga ilaahay ha inaga qabto,ilaahay xabadda iyo dabka haka densho, roob allahainasiiyo,” Sidaasina waxaa ku duceysay hooyo Soomaaliyeed.

Dadka ayaa waxa wejiyadooda ka muuqday farxadda ciidda,waxaana ay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciida, iyadoona ciidani ay dadka muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyay uga faa’iideystaan in ay ka farxiyaan dadka danta yarta ee aan waxba heysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Muddada Is-diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Dalka oo la lordhiyay 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...