Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum

Date:

Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.

Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda.

Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...