Madaxweynaha Oo Farxadda Ciidammada La Qaatay Ciidammada Qalabka Sida

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qeyb ka mid ah maalintiisa Ciidda la qaatay lana qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka.

“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idin la ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha JFS

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.

Dhiira galinta waa talaabooyin had iyo jeer uu qaado Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waan qeyb ka mid ah qorshaha Qarka uu dib ugu dhisayo Ciidamadda Xoogga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...