Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dadka Kismaayo la dukaday Salaadda Ciida

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaar kamid ah dadweynaha ree Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Salaada Ciidul Adxa.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

“Waxa kaliyah ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is qabsano oo aan is cafino” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu ka digay in Soomaalidu ay wakhtigan wajahayso dagaal dhulka la xiriira taas oo qaab qabiil loo adeegsanayo.

“Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in dadka Madaxda ah looga baahan yahay in masuuliyada ay qaadeen ay dadka ugu cadaalad falaan hadii taas la waayana aysan Dowladnimadu horay u soconaynin.

—DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...