Culimadda Soomaalida ee Masar ku nool oo shacabka ugu baaqay in dhismaha dalka ku gacan siiyaan dowladda

Date:

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay lashaqeeyaan Dowladdooda taasi oo ay ku tilmaameen in ay keeni karto horumar dhan kasta leh.

Sheekh Max’ed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo wareysi gaar ah siiyaya Walaaladda Wararka SONNA ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Dowladda Taageerona ay siiyaan.

Wuxuu sheegay in booqashadii dhawaad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ku tagay dalka Masar, iyo lakulankiisa Jaaliyadda ay noqotay mid dhiiro gelisay kalsoonida bulshada.

“Ficilka madaxweyne Farmaajo aniga waxaan is leeyahay in uu yahay mid horseedi kara kalsooni iyo midnimo umadda Soomaaliyeed dhexdeeda,dadkan runtii kula dhacsan maanta waa raaciyadaadi, marka mas’uuliyada ayaa kaa saaran madaxweyne adna guddo waajibaadkaada oo oofi balamadii aad qaaday”,Ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi.

Wuxuu sidoo kale  ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladdooda, isagoo xusay in dalkasta dadkiisa uu dhisayo,isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka uu ku dhismi karo hadii shacabka iyo Dowladu ay iskaashadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.

Wariyaheena Masar Mowliid  Xasan Cabddi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...