Wasiir Xoosh oo ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda Dastuurka Afartii Bilood ee la soo dhaafay

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, isaga oo ka jawaabay suโ€™aallo ay weydiiyeen dadka Soomaaliyeed.

AVV Xoosh ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda isaga oo sheegay in hawl badan la qabtay.

โ€œUgu horeeyn markii aan Wasaaradda la wareegnay waxa aan goโ€™aansanay inaan Dastuurka dhameeystirno, kadib waxaan u baahanay inaan Qorshe sameeysano inaga oo ka talagelinayna qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan la kulannay Wasiirada dawlad goboleedyada ee aan shaqo wadaaga nahay oo aan qaarkood ugu tagnay caasimadaha dawlad goboleedyada. Hadaba intaa kadib ayaan Qorshe sameeysanay waxa aana u gudbinay Raโ€™iisul Wasaaraha, waxa aana qaban-qaabineynaa shirweyne Qaran oo aan October qabaneyno si loogu ansixiyo Qorshaha Guudโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka oo suโ€™aal ahayd sida loo tixgelinayo rabitaanka dawlad goboleedyada ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka uga jawaabayay Dhageyste Axmed la yiraahdo oo Hargeysa Joogay ayaa yiri โ€œNidaamka aan qaadanay waa Federal, marnaba ma dhaceyso in Wasaaradda keligeed ay wax iska sameeyso, laakiin waxaan geleynaa sanad wadahadal ah oo aan ku kala cadeeyn doonno summadaha Federalka ee aan ku dhaqmi doonno; D/Goboleedyada door wayn ayey kulahaan doonaan dib-u-eegista Dastuurkaโ€.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka goโ€™antahay sameeynta wadatashiyo badan iyo xaqiijinta ka qaybgal loo dhanyahay si dastuurka loogu dhameeystiro labo sanno gudahood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...