Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlay Sidii Caruurta Looga Soo Saari AlShabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Date:

Kulankaan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda argagixiso ee suurtagal noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah .

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray sidii waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, ayna ka soo saaraan kuwa hadda ku jira gacanta Alshabaab maadaama horjoogeyaashii ugu sareeyay kooxdaasi ay billaabeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Axmed  Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada Ammaanku ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii gobalka galgaduud oo horraantii bishaan lagu dilay gudaha dagmada.

Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka la shaqeeyaan, waalidiintuna xiriir dhaw la yeeshaan caruurtooda, haddii hadda ay Al Shabaab ku maqanyihiina kasoo saaraan.

Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo kamida culumada Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlaya muhiimadda ay leedahay in bulshadu amaanka maamulka ay kala shaqeeyaan.

Sh Calidheere wuxuu xusay in waajib diini uu waalidku ka saaranyahay la socoshada iyo barbaarinta ubadkooda, isagoo bulshada kulanka joogtay ku dhiirrigaliyay in ay meel uga soo wada horjeestaan fikirka xagjirnimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...