War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hayโadaha Dowladda Soomaaliya ay yihiin fasax maalimaha ciidda Carrafo.
Waxaa lagu yiri qoraalkanโ Wasaaradda SHaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhamaan heyโadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hayโadaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Allae uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.
Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad,Far,adna ay fasax yihiin maalinta Sabtida iyo Axadda.
Waxaaan rajeynayaa in dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed ay ku ciidaan farxad iyo reynreyn ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

