Guddoomiyaha Aqalka sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire Micheal Keating

Date:

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare.

Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dardar galinta hawlaha dastuurka, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii uu kaga bixi lahaa ku meel gaarka.

Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u socdaan hawlaha Dastuurka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in booqasho uu ku yimaado xarunta aqalka sare, wuxuuna sheegay in uu aad ula dhacay qaabka shaqada Dastuurka ay u socoto, isagoona ku baaqay in la xoojiyo si loo dhameystirayo hawlaha harsan ee Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...