Wasiirka Xanaanada xoolaha oo la kulmay madaxa Bankiga horumarinta Islaamka

Date:

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wafdi uu hogaamiya oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya ayaa wuxuu kulan kula qaatay magaalada Jeddah Madaxa Bankiga horumarinta Islaamka Dr. Bandar Mohamed Hamza Haja.

Kulankaan oo labada mas’uul kaga wada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya bakgiga Islaamka iyo dowlada Soomaaliya gaar ahaan horumarinta xoolaha iyo maalgashigooda.

Sida la wada ogyahay Soomaaliya waxay udub dhaxaad u tahay barnaamijka Hadyiga iyo Adaaxida ee xoolaha lagu  qalo xajka uuna fuliyo Bankiga horumarinta Islaamka. Bankiga wuxuu balan qaaday inay Soomaaliya sii ahaan doonto udub dhaxaadka barnaamijkan.

Sidoo kale, labada masuul waxay isku afgarteen in la hormariyo tayada, shaqada iyo agabka wasaarda Xanaanda Xoolaha ayadoo lagu salaynayo Qorshaha Hormarinta Qaranka (QHQ) isla markaana Bankiga wuxuu ka mahad celiyay wada shaqaynta Soomaaliya gaar ahaan baahida ay Soomaaliya u dabooshay martidada Alle, taas oo Soomaaliya sanadkasta kaga qayb qaadato in ka badan Hal (1) malyan oo neef.

Sidoo kale, waxaa kulanka diirada lagu saaaray sidii loo kobcin lahaa u adkeysi Soomaaliya u leedahay abaaraha, Bankigana wuxuu hoosta ka xariiqay u diyaar garowgiisa arintan ayadoo labada dhinac ay isla wada samayn doonaan qorsho dhamaystiran oo ku aadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...