Dowladda oo la wareegtay Qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya

Date:

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Kulmiye Xirsi “Cabdiraxmaan Dheere” ayaa u sheegay SONNA in maanta saraakiil ka socoto Hay’ada ECAO uu kala wareegay qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya.

“Waxaan maanta qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kala wareegnay Hay’ada ECAO, waan kaga mahad celineynaa Hay’ada sida ay noo taageertay, qalabkaan wuxuu sahli doonaa in mudo dhowr iyo labaatan sano ka dib hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Wasiiru dowlaha wuxuu sheegay in heer gaba gabo uu marayo qorshaha ay guud ahaan kula soo wareegayaan Maamulka Hawada Soomaaliya, isagoo xusay ay diyaar tahay goobtii looga shaqeyn lahaa qalabkaasi ay maanta la wareegaan, waxa kaliya ee u harsana ay tahay in la soo wareejiyo shaqaalihi ka shaqeynayay hawada Soomaaliya oo hada ku shaqeeya dalka Kenya.

“Qalab dhameystiran ayaan kala wareegnay Hay’ada ECAO, meeshii aan ku shaqeyn laheyn way inoo diyaarsan tahay, waxaa inoo harsan shaqaalihii hawsha qaban lahaa oo hada ku shaqeeya xarun ku taala dalka Kenya” ayuu intaa ku daray Wasiir Cabdiraxmaan Dheere.

Qalabkaan la keenay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili shalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA isagoo u sheegay in bisha Oktoober dhamaadkeeda hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...