Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta la kulmay dhigiisa Dalka Masar

Date:

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan la qaatey dhigiisa Dalka Masar, ayagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarinta beeraha dibna loogu howl galin lahaa heshiisyo ay galeen labada dal sanadkii 2015-ka.

“Kulanka maanta aan la yeeshay wasiirka Beeraha Masar Dr. Abdulmuncim Albana waxu dabo socdaa fulinta heshiisyadii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay dhawaan ku gaareen magaalada Qaahira waxaana ka wadahalnay sidii aan isaga gaashan laheyn Hormarinta Beeraha ” ayuu yiri wasiirka Beeraha XFS oo lahadlay SONNA.

Ugu dambeyn Wasiirka beeraha Masar DR.Abdulmuncim Albana oo isna dhankiisa la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in maanta la hirgaliyay qeyb ka mid ah heshiiskii labada Madaxweyne.

“Manta Waxan hir galinaynay qeyb kamid ah qodobadii laga wada hadlay ee ku saabsana isfahamka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood, sidoo kale waxaan kawada hadalnay Wasiirka sidii loo abuuri lahaa Beer wadaag laga abuurayo soomaliya oo cabirkeedu uu gaarayo labo boqol oo Higtar.ayuu yiri DR. Abdulmuncim Albana.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...