Xarunta Maamulka Internet-ka Hay’adda Dowladda oo la hirgeliyay

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya.

Shaqaalaha ka howlagalaya xaruntan ayaa R/wasaare ku xigeenka warbixin kasiiyay sida ay u shaqeeyaan, waxayna sheegeen in internet-ka ay xarunta bixineyso  uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in hirgelinta xaruntan Internet-ka bxisa ay muhiim u tahay Hay’adaha dowladda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan dhamaan hay’ada kala duwan ee dowladda.

“15 goobood ayaa waxaa la geeyay labo xarig oo isku dul wareegga leh, oo loogu talagalay in haddii uu mid go’o mid kale lagu fakado, 15-ka goobood waxaa degan hay’adaha dowladda, adeegyada ay Wasaaradda bixineyso uu yahay mid lacag la’aan ah” ayuu yiri Eng Cabdi Wasiirka Boostada.

R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay dadaallada ay wado Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha kale inay ku deysadaan si looga mira dhaliyo qorshaha isla xisaabtanka oo halbeeg u ah Xukuumadda Soomaaliya.

“Waan kuu hambalyaynayaa Wasiir, Xukuumadda Nabad iyo Nolol wax weyn ay ku faanto weeyaan oo horumar laga gaaray, Wasaaradaha kale inay kuu deydaan ayaan rajeynayaa, qiimeeyn iyo isla xisaabtan ayaa hal ku dhig u ah Xukuumadan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Furitaanka xarunta maamulka Internet-ka Hay’adaha Dowladda ee ay hirgalisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto hirgelinta xarumaha muhiimka u ah dalka iyo dhameystirka shuruucda lagama maarmaanka ah, iyadoo dhawaan ay aheyd markii Wasaaradda ay ku guuleysatay in golaha Wasiirada iyo  Labada aqal ee Baarlamanka ay meel mariyeen sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo hadda la filayo inuu saxixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...