Kulankan ay yeesheen Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa shir gudoominayay gudoomiya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Dhowr Qodob oo muhiim ah ayaa kulanka looga hadlay, waxaana ka mid ahaa dhacdadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Kulanka oo dhowr saacadood qaatay ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Saxaafadda la hadashay Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaliya Fartuun C/qaadir Faarax karaama.
Kulamada Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan ayaa inta badan waxaa looga hadlay diyaarinta qorshaha shaqo ee Aqalka iyo dhacdooyinka dalka ka dhaca.