Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaano qoto dheer ku sameyn doonto dad shacab ah oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u baari doonto dhacdadii ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose ee lagu dilay dad Shacab ah.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in dhacdadaas ay ahayd iska hor imaad dhaxmaray dad shacab ah oo hubeysnaa iyo ciidamada Dowladda.
Taliyaha ayaa sheegay in ay dhacdada ahayd kala shaki waxaana uu cadeeyey dadka meeshaas ku geeriyooday in ay ahaayeen dad shacab ah oo aaney Shaqo kulahayn Kooxda Al-Shabaab , sidoo kale waxa uu xusay in ay dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay isla markaasna ay u saartay Gudi Arintaasi u kuur galo.