Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul-Insaanka XFS oo kulan la yeelatay xubno katirsan haweenka Qaranka

Date:

Kulankan oo Fiidnimadii Arbacada ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa wada yeeshey Wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsanka Dowladda Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin iyo xubnaha ururka haweenka Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta ururkaasi haweenka Qaranka.

Mudadii uu socday kulankaasi wadatashiga ahaa ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo wajihi lahaa isbedelka hogaanka ururkaasi iyo in ay doorasho qabsadaan ururka haweenka Qaranka.

Dahabo Sheekh Max’uud oo kamid ahayd xubnihii kulanka la yeeshey Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul-insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankoodi uu ahaa mid ahmiytad weyn ugu fadhiayay haweenka.

“Waxaan la kulanay Wasiirkeyna qaaliga ah, Wasiir Deeqo Yaasiin, ee run ahaantii waxaan kawada hadalnay sidii loo horumarin lahaa ururka haweenka Qaranka, islamarakaana ay u sameyn lahaayeen isbedel, runtii waan u mahadcelinaynaa Wasiiradayna waqtigeeda qaaliga ah oo ay in soo soo hurtay maadaama ay u yaalaan howlo badan”, Ayay tiri Dahabo Sheekh.

Marwo Deeqo Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dowrkoodi kaga aadan horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...