Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Madax ka socotay UNDP & UNSOM oo kulan yeeshay

Date:

Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda shalay kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM.

Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”.

Sido kale, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Wasaaradda laga taageero sidii dhamaan deegaamada dalka loo gaarsiin lahaa Geedi-socodka.

“Arinta ugu muhiimsan waa in ololaha la gaarsiiyo dhamaan deeganada dalka si uu u noqodo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo ugu dambeyn sal adag u dhiga Dastuur ay Soomaali leedahay oo dhameeystiran” ayuu yiri AVV Xoosh.

Dhankeeda, Nahida Hussein oo ahayd Madaxa Farsamada ee UNDP Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeysay hawlaha ay Wasaaradda wado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...