Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Date:

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa   xalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqey ardayda iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Masar in ay ka qeyb qaataan sidii dalkooda uu horumar u gaari lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda soo jireenka ah ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed in kaalin ay ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...