Wefdi ka socda Galmudug oo gaarey Degmada Hobyo

Date:

Wefdigaan uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Galmudug Xasan maxamed warsame oo isugu jiray mas’uuliyiin ganacsato iyo quburo ajaanib ah, kuwaasi oo ku xeel dheer arrimaha kalluumeysiga ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ujeedada socdaalkooda ayaa la xiriira qiimeynta qiimeynta fursadaha  Kalluumeysi iyo sida loo hagaajin karo Marsada Hobyo, halkaasi oo kulamo kula yeesheen mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.
Sidoo kale wefdigan ayaa u kuurgalaya howlaha iyo dhaq
dhaqaaqyada ganacsi ee ka jira Degmada Hobyo, taas oo tusaale fiican u noqaneysa xaaladda ammaan ee Degmadaasi, islamarkaana la dhiiro geliyo maalgashida.

Waxaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedada
socdaalkooda Wasiirka  Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee
ee Galmudug Xasan Maxamed Warsame.

“Socdaalkeena Hobyo wuxu la xiriiraaqiimeynta xaaladaha guud ee Degmada, horumarada ganacsi ee ka socda, iyo dhiiro gelinta ka faa’idaysiga Khayreedka Kalluumeysiga, waana runtii wax lagu farxo horumarka halkan kajira”, Ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...