Wasiirka Boostada oo kulamo kala duwan la qaatey Masuulinta dalka Jabuuti

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaateen Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal.

Kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada hadlay arrimaha xiriirka Iskaashiga ee dhinaca hergelinta heshiiska Boostada Jabuuti โ€œLa Poste de Djiboutiโ€ iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaarsiinta, Sidoo kale Xubanaha wafdiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo shaldhiga xargaha fiber optic-ga dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostadaย  iyo Isgaarsiinta dalka Jabuutiย  Mudaneย Mudane Cabdi Youssouf Souguehย ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xiriir dhow ee dhinaca iskaashiga isgaarsiinta iyo Boostada.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga isaga oo sheegay in ay wax badan ka faaโ€™iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale