Madaxweyne Farmaajo“Dr. Cabdiraxmaan waxa uu kaalin wayn ka qaatay sare u qaadista magaca Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka”

Date:

Muqdisho, 16 Ogosto 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir u dhexeeya hay’adaha Maaliyadda DFS iyo Hay’adda IMF oo ka dhacay Nairobi

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir muhiim...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis...