Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qaabilay mas’uul ka socday safaaradda Denmark

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xoghayaha koowaad ahna Qunsulka arrimaha Siyaasadda ee safaaradda Denmark ee Soomaaliya Adam Spliid, kulanka oo ay Agaasimaha Guud ku wehliyeen La-taliyayaal iyo Agaasime Waxaad ka tirsan Wasaaradda ayaa looga hadlay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka siiyay Xoghayaha hawlaha bilooyinkii dambe u qabsoomay Wasaaradda oo ay kamid yihiin kulamada wadatashiga ah ee ay Wasaaradda la yeelatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, Mudane Zubeeyr ayaa sheegay in Wasaaradda ay wado qabanqaabada Shir-weynaha Qaran ee lagu daah furi doono Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka soo qaybgeli doonaan dad ka kala imaan doona gudaha iyo dibadda dalka.

Dhanka kale, Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay in Bulshada Rayidka ay door wayn ka qaataan Geedi-socodka oo noqon doona mid ku salaysan daah-furnaan.

Xoghayaha Koowaad ee Saafaradda Denmarka ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay warbixinta iyo sida loogu soo dhaweyay Wasaaradda, waxa uuna sheegay in uu la wadaagi doono Safiiradda Denmark ee Soomaalya si ay dawladiisa u taageerto hawlaha ay Wasaaraddu wado.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadashaqayn dhexmarta labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...