Madaxweyne Farmaajo“Dr. Cabdiraxmaan waxa uu kaalin wayn ka qaatay sare u qaadista magaca Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka”

Date:

Muqdisho, 16 Ogosto 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dowladda Imaaraadka kala wareegay Gaadiid Dab-damis ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka oo kormeer ku tagay xarunta iskuul taariikhiga ah ee degmada Waajid

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...