Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay shir uu uga soo qeybgalay dalka K/Africa

Date:

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  waxaana garoonka daiyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishoa ku soo dhoweeyay Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka iyo howlwadeennada golaha shacabka.

Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo xafiiskiisa kula hadlay Raedi Muqdisho  ayaa sheegay in shirkii gudoomiyayaasha Baarlamaanada dalalka Afrika oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Dalka Koonfur Afrika uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Gudoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in sidoo kale uu ka qeyb galay kulan gaar ah oo ay wada yeesheen gudoomiyaasha baarlamaanada waddamada Geeska Afirka oo ku saabsanaa sidii iskaashi u dhex mari lahaa baarlamaannada dalalkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah gudoomiyayaasha baarlamaannada dalal dhowr oo ay ka mid yihiin Kenya , Uganda, Suudaan iyo Rwanda.

Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika oo ah shir sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa siyaasadda guud ee sharci dejinta dalalka Afrika iyo arrimaha horumarinta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...