Wasiir Cabdi Xoosh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Intii uu kulanka socday ayey laba dhinac isla soo qaadeen arrimo ay kamid ahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa safiiradda iyo masuuliyiintii kale ee la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isaga oo uga warbixiyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay.

“Aad ayaan ugu faraxasanahay inaan maanta idinku soo dhaweyno xarunta Wasaaradda oo ah mid qiima wayn ugu fadhisa dalka Soomaaliya, waxa aan halkan ka abaabulnay hawlo baaxad leh oo aan mudooyinkii dambe qabanay haba ugu horeeyaan kulamada wadatashiga ee aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada oo wadada u furaya Geedi-Socod dib u-eegis Dastuur oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay ” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca kale, Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay Wasaaradda shaqada ay wado, islamarkaan waxa ay u ballanqaaday wadashaqayn joogta.

Ugu dambayn, kulankan oo ahaa mid daba socday kulan bishii hore Wasiirka iyo Safiirada ay yeesheen ayaa waxa uu ku soo dhamaaday guul.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...