Madaxweynaha Jubbaland oo soo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Barlamaanka Jubbaland

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray Kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Qudbad dheer oo Madaxweynahu uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga hadlay arimo kala duwan isagoo si gaar ah ugu dheeraday wadashaqaynta Hay’adaha Dowlada iyo iska warqabkooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah in loo wajaho isla markana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexdooda.

Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka ugu badan ay uga imanayaan si taas loo yareeyana sida ugu dhaw loo dhisi doono gudiga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hananka garsoorka Jubbaland.

Dhamaan dhulka ay Dowladu leedahaya ayuu Madaxweynahu ku cel celiyay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.

Hananka qaybsiga khayraadka ayuu Madaxweynahu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la meel mariyo.

“Dowlada Federaalka ah waxay xuquuq u leedahay iyo waxa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa in ay cadaata oo hadhow aan la isugu iman muran iyo dood” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ku dheeraday sida Madaxda Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay talooyinka ka qaatan dadka wax galka ah ee doonaya in wadanku uu hagaago.

“Bulshadii waxay u kala qaybsantay labo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya labadaas noocba waxaan u baahanahay in aan ka fogaano oo meel dhexe aan wax ku cabiroa”ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Isagoo sii hadlaya Madaxweynahu wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay Soomaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada kamid ahna ayna ku baraarugsanayn.

Baraha Bulshada ayuu xusay in qaar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku duminaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.

Gaba gabadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah 15, August 2017 si rasmi ah usoo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...