Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow

Date:

Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.

Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...