Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay Golaha Shacabka JFS

Date:

Gudoomiye  kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo shir gudoominayay kulanka golaha shacabka ah ee maanta,  ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan golaha shacaba dhawaan ay soo jeediyeen in uu golaha hor yimaado wasiirka arrimaha dibadda si su’aalo looga weydiiyo arimo shaqada wasaaradiisa la xiriira, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyay sida uu ugu hogaansamay u yeeritaanka golaha shacabka.

Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay  Xildhibaanada Golaha Shacabka  guda galeen  su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...