Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay Golaha Shacabka JFS

Date:

Gudoomiye  kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo shir gudoominayay kulanka golaha shacabka ah ee maanta,  ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan golaha shacaba dhawaan ay soo jeediyeen in uu golaha hor yimaado wasiirka arrimaha dibadda si su’aalo looga weydiiyo arimo shaqada wasaaradiisa la xiriira, wuxuuna wasiirka uga mahad celiyay sida uu ugu hogaansamay u yeeritaanka golaha shacabka.

Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay  Xildhibaanada Golaha Shacabka  guda galeen  su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirka su’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...