Madexwayne Farmaajo โ€œDFS waxaa ka goโ€™an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahayโ€

Date:

Muqdisho,13 Ogosdo 2017ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hayโ€™adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah.

โ€œDowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.โ€ ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo laaban dalkeenna.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...