Wasaaradda arrimaha dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay maamulka G/Banaadir

Date:

Wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista dastuurka la yeelatay maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha gobolka Banaadir, gudoomiye Ku-xigeenada, xoghayaha-guud ee gobolka, iyo guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista dastuurka iyo maqaamka Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay wadashaqayn dhexmarta wasaaradda iyo maamulka G/Banaadir oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka.

“Maanta waxaa farxad wayn inoo ah inaan la kulanno maamulka gobolka Banaadir oo aan ka talagelino hannaanka dib-u-eegsita dastuurka, waxaa muhiim inoo ah inaan yeelanno wada shaqayn si aan isaga kaashano hawlaha ina horyaalla, waana hubaa madaxda gobolka in ay yihiin masuuliyiin aan si dhaw u wadashaqayn doonno” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabid ayaa uga mahadceliyay wasaaradda hawlaha ay qabatay mudooyinkii dambe isaga oo u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan.

Ugu dambayn, guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa fikradahooda ku saabasan Geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka la wadaagay wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...