Wasaaradda arrimaha dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay maamulka G/Banaadir

Date:

Wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista dastuurka la yeelatay maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha gobolka Banaadir, gudoomiye Ku-xigeenada, xoghayaha-guud ee gobolka, iyo guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista dastuurka iyo maqaamka Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay wadashaqayn dhexmarta wasaaradda iyo maamulka G/Banaadir oo ku aadan dib-u-eegista dastuurka.

“Maanta waxaa farxad wayn inoo ah inaan la kulanno maamulka gobolka Banaadir oo aan ka talagelino hannaanka dib-u-eegsita dastuurka, waxaa muhiim inoo ah inaan yeelanno wada shaqayn si aan isaga kaashano hawlaha ina horyaalla, waana hubaa madaxda gobolka in ay yihiin masuuliyiin aan si dhaw u wadashaqayn doonno” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabid ayaa uga mahadceliyay wasaaradda hawlaha ay qabatay mudooyinkii dambe isaga oo u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan.

Ugu dambayn, guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa fikradahooda ku saabasan Geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka la wadaagay wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...