Ra’iisul Wasaare Khayre “Dalkan Mustaqbal buu leeyahay, Dhalinyaraduna Waa Milkiilayaasha Dalka”

Date:

Muqdisho, 13 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dalkan uu Mustaqbal leeyahay oo dhalinyaraduna ay yihiin milkiilayaasha dalka bacdamaa ay 75% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin Dhalinyaro. Dhalinyaradana laga rabi inay dariiqa saxda ah bulshada ku hoggaamiyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaa la soo dhaafay waqtigii aad abuuri laheydeen mirihii aad beeran laheydeen mustaqbalka. Madaxda Qaranka waxey diyaar u tahay inaad doorkiina hoggaamineed qaadataan. Waa dhammaatay waqtigii aad dhexdhexaad noqon laheydeen, mana ka noqon kartiin dhexdhexaad hooyadiin oo dhibaateysan, dhalinyaradii ay baaagamuundo yihiih. Ma noqon kartaan dhexdhexaad oo dalkaaga iyo gurigaaga waa mustaqbalkaaga.”

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey dhibta Tahriibka ayaa yiri “Markii aan da’diina ahaa ayaan caasi ka raacay Muqdisho oon ku tagey Baraawe oo aan ka raacay dooni aan garaneynin meesha ay u socoto oo ay mararka qaar nala qalibmi gaartay. Si kasto oo aad dalka uga dhooftaan waxaad ku soo noqoneysaan dalkiinii hooyo.”

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.

“Caawa waxaan idiin sidaa hadiyad taasoo ah warqad aan berri u soo qorayo Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho kana dalban doono inuu 1000 dhalinyaro ah shaqo-abuur u sameeyo, waana bilow oo dhammaan dawlad Goboleedyadana aan sidaas uga sameyn doono”ayuu ka sheegay munaasabadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo...

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...