Wasaaradda dhallinyarada oo qorsheyneyso diyaarinta fursado shaqo

Date:

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisey qorshe lagu horumarinayo dhallinyarada iyo cayaaraha kaddib kulan su`aalooyin lagu weydiiniyay Wasiirka Wasaaraddaas oo xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa sidii dhallinyarada loogu sameyn karo fursado shaqo, waxaana kulanka uu ahaa mid ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Mudaneyaasha Aqalka sare ee dalka, Maamulka Gobolka, waxaana su’aalo lagu weydiinayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudan Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka caawinayaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Waa xaqiiqo waxa ay dhallinyarada ay maanta ku suganyihiin, dhalinyarada waa xoogga Soomaaliyeed, iyaga ayaa maanta lagu tiirsanyahay, shaqo la’aanta ugu badan dhallinta ayay saameysay, qaarkood wey heystaan qaarna ma heystaan, waxaan ku dadaaleynaa sidii fursado shaqo abuur ah loo siin lahaa dhallinyarada” ayuu yiri Guddoomiye Taabit

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka jawaabeysay su’aalaha ay dhallinyarada weydiinayeen ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay diyaarisay qorshe lagu horumarinayo dhallinyarada aan heysan fursado shaqo.

“Wasaaradda waxaa u degsan qorshaha ku saabsan siyaasadda dhallinyarada, kaasi oo aan la wadaagnay inta ay quseyso, waxaana u jeedku yahay mid lagu horumarinayo dhallinyarada, waxaana jiri doona in Kismaayo lagu qabto tartan isboorti oo ay ka qeyb galayaan dhamaan dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu xoojinayo isdhexgalka bulshada” ayay tiri Wasiir Khajiida Maxamed Diiriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...