Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool

Date:

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda uu Gobolka Bokool ku dhexmaray maleeshiyaad  katirsan Argagixisada Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramaya in qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayadoo maleeshiyada daacadda u ah Abuu Mansuur oo ku sugan goob buuralay ah ay iska difaaceen.

C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa SONNA u sheegey in ciidamo katirsan xoogga dalka oo gaaray goobta dagaalka uu ka dhacay ay la wareegeen deegaanka Abal islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalkaasi ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in xaaladda deegaanadii dagaaladu ay ka dheceen ay tahay mid degan, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo dagaal, isgaarsiintuna ay go’antahay.

Cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa saaka u amba baxay deegaanadii lagu dagaalamay,iyagoo xoojinayo gurmadka ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaab oo Abuu Mansuur weerarka ku soo qaaday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...