Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool

Date:

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda uu Gobolka Bokool ku dhexmaray maleeshiyaad  katirsan Argagixisada Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo waramaya in qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu ka soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayadoo maleeshiyada daacadda u ah Abuu Mansuur oo ku sugan goob buuralay ah ay iska difaaceen.

C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa SONNA u sheegey in ciidamo katirsan xoogga dalka oo gaaray goobta dagaalka uu ka dhacay ay la wareegeen deegaanka Abal islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalkaasi ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in xaaladda deegaanadii dagaaladu ay ka dheceen ay tahay mid degan, balse la dareemayo dhaq dhaqaaqyo dagaal, isgaarsiintuna ay go’antahay.

Cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa saaka u amba baxay deegaanadii lagu dagaalamay,iyagoo xoojinayo gurmadka ku aadan sidii halkaasi looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaab oo Abuu Mansuur weerarka ku soo qaaday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...