Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Date:

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe, ayaa xarunta ku qaabilay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Mudane Axmed Xasan Yuusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga lagu wacyigelinayo bulshada, laguna ilaalinayo dhalinyarada fikradaha xagjirka ah. Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta diinta iyo saxidda fahamka diimeed, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada uu tilmaamay doorka isboortiga iyo barnaamijyada dhalinyarada ee ka hortagga xagjirnimada.

Mas’uuliyiintu waxay isku raaceen in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxaysa labada wasaaradood iyo Xarunta TUBSAN si loo taageero nabadda iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka kadib, waxay booqdeen maktabadda xarunta oo ay ku kaydsan yihiin buugaag iyo cilmi-baarisyo la xiriira la-dagaallanka xagjirnimada iyo dhismaha nabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...