Wiil Soomaaliyeed oo lagu dhaawacay K/Afrika

Date:

Wiil dhallinyaro oo Soomaali ah ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen qowlaysato u dhalatay Wadanka Koonfur Afrika ka soo gaaray dhawaan, kadib markii ay xabad ku dhufteen isagoo markaasi xirayay goobtiisa ganacsiga, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Wiilka la dhaawacay oo magaciisa la yiraa Amiin Axmed Calasow oo loo yaqaan Amiin Xagaleey ayaa falkaasi uu ku dhacay isagoo markaasi doonayay inuu ka rawaxo goobtiisa Ganacsi ayay Koox hubeysan Xabad kaga dhufteen meel ka hooseysa Caloosha, islmarkaana waa ay ka baxsadeen goobtii ay falkaasi ka geysteen.

Amiin Xagaleey oo ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kula xariirtay khadka Telefoonka isagoo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in Dukaankiisu oo ku yaal Magaalada Khalisha Xaafadda Sey bii ay goor habeen ah soo weerareen Niman hubeysan, islmarkaana ay xabad ku dhufteen.

“habeen 3- saac ayay aheyd waxaan rabay in aan dukaanka soo xiro, balse waxaan la kulmay Niman dibadda jooga, dood ka dib waxay igu dhufteen xabad, markii ay I arkeen inaan dhulka ku dhacay ayay iga carareen, kadib waxaa ii gurmaday oo dhaawaceyga keenay Isbitaalka Dhalliyaro Soomaaliyeed”, ayuu yiri Amiin Xagleey.

Mar ay SONNA waydiisay xaaladdiisa Caafimaad hadda waxa uu sheegay in Ilaah mahaddii qalliin kadib ay hadda xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay.

Ma aha markii ugu horreeysay oo Dad Koonfur Afrikaan ay dil, dhaawac iyo boob hantiyadeedba u geystaan Dadka Ajnabiga ah, gaar ahaan Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...