Dowladda Soomaaliya” Dhawaan waxaa la soo deynayaa maxaabiista nooga xiran xabsiyada India iyo Seyshells

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soom aaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay guulihii dhinaca diblomaasiyadda ay ka gaartay dowladda Soomaaliya.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa maxaabiis badan oo Soomaaliya uga xiran xabsiyo kuyaal daafaha caalamka ayaa ka mid ah talaabooyinkii ay Dowladdu qaaday, iyadoo ay soconayaan qorshayaal kale.

“Dhawaan waxaan heshiis la soo saxiixanay madaxda dalka India kaasi oo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista xabsiyada dalkaasi kujirat, waana la soo deynayaan, sidoo kale  waxaan maamulka Jasiirada Seyshells aan madaxdeeda kala hadalnay sidii xoriyadooda loo siin lahaa maxaabiis Soomaaliyeed oo kujirta xabsiyada dalkaasi xukunkoodina ay Soomaaliya ku dhameystaan”, Ayuu yiri Yuusf Wasiir Garad Cumar.

Waxaa uu sheegey Wasiirku in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda arrimaha dibadda oo uu ku tilmamay mid ku dhisan qunyer socod iyo wax wada qabsi iskaashi ku yimaada.

Mar uu soo hadal qaaday wadamada deriska la Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya in xiriirka kala dhexeeya wadamadaasi uu yahay mid sii xoogaysanaya, taasi oo keentey in Dowladda Itoobiya ay Dowladda Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiis farabadan.

Mudane Yuusuf Garad ayaa xusey in wadadamad Liibiya iyo Yeman ay dad Soomaaliyeed dhibaatooyin ay kala kulmaan, isagoo xusay in Liibiya ay adagtahay meelaha qaar maadaama ay gacanta ku hayan kooxo falaago ah, balse ay sameyndoonaan dadaal kasta oo muwaadiniinta Soomaaliyeed bad baado u ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleystay in hay’ado caalami ah la kaashato sidii loo aasi lahaa meydadka muwaadiniintii Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay dalkaasi Yeman, maadaam goobahaasi ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka”, Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...