Natiijada rasmiga ah ee doorashada Kenya oo la filayo in maanta lagu dhawaaqayo

Date:

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa lafilayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday  dalkasi, ayadoo shacabka Kenya ay sugayaan natiijadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin si loo dhameystiro dhamaan documentiyada.

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Ilaa iyo haatan sida ka muuqata natiijooyinka horudhaca ah ee codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, waxaa ku horeeya madaxweynaha talada dalkaasi haayo Uhuru Kenyatta.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii guddiga doorashooyinka uu u shaacin lahaa natiijada rasmiga ah, waxaana lafilayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaarto.

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka NASA Raaila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda habka ay u dhacday doorashadaasi isagoo ku tilmaamay in wax la musuq maasuqay.

Shir jaraa’id uu ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in doorashadaasi ay u dhacday habkii loogu talagalay islamarkaana ugu baaqay musharixiintu in ay aqbalaan natiijada doorashadaasi hadii la shaaciyo.

Xigasho: SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...