Madaxweynaha Dalka “Shacabka waxaa looga baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada”

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey iney ka qeyb qaatan xasilinta Amniga Caasimadda si looga guuleysto maleeshiyaadka qarax-yada la beegsanaya goobaha bulshadu ku kulanto.

Madaxweynaha ayaa sheegayin dowaldda iyo shacabka oo wada shaqeeya laga adkaan karo dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga baahanyahay inay xoojiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada, si u siiyaan macluumaadka la xiriira kuwa qaraxyada geysanaya iyo goobaha ay ku dhuumanayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in amniga oo lagu guuleysto ay horseedeyso horumarka dalka sida ganacsiyada iyo maalgeshi lagu sameysto Soomaaliya, kaasi oo ay shaqo abuur ka heli karaan dhallinta Soomaaliyeed.

“Amniga dowladda iyo ciidamada kaliya ma saarna, shacabka Soomaaliyeed door ayuu ku leeyahay, waan ogahay inay ka dharagsanyihiin qoladaa Nabad diidka ah ee maalin waliba xasuuqa iyo bur burka ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan, inaan si wada jir ah uga hortegno oo ay noo soo sheegaan shacabka meelkasta ay joogaan wax Alle iyo wixii macluumaad ah ay ka hayaan, si aan uga hortegno dhibta ay ku hayaan dadka, marka amnigu waa wax ka dhaxaya hay’adaha dowladda iyo shacabka intuba”ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...