Wasiirka Maaliyadda oo ka Warbixiyay horumarka laga gaaray dhinaca dhaqaalaha (Daawo Muuqaal)

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ugu waa weyn ee u qabsoomay tan iyo markii uu la wareegay Wasaarada Maaliyadda.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in guulo waa weyn la gaaray mudada kooban oo ay shaqeynayaan, iyadoo ay u suura gashay wasaarada inay keento dakhli ku filan mushaarka shaqaalaha dowlada.

“Wax badan baa mudadaas kooban inoo qabsoomay, waxaa ka mid ah inay noo suurta gasho inaan isku keeno dakhli ku filan in mushaarooyinka la bixiyo, Mida ugu horeysa aniga waxaan leeyahay waxaa inoo suura gashay inaan dakhligii soo galay u habeyno si dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya wasaaradaha, Ciidamada, Baarlamaanka iyo wasiirada shaqada ay wadaan inaan ku bixino wixii lagu lahaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in ay u suura gashay isku jaangooynta waxa soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo hirgalisay in la ogaado in waxa la bixinayo ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan oo la isku gartay.

“waxaa kaloo inoo suurta gashay inaan isku jaangoyno waxa ina soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo micnaheeda yahay in waxa la bixinaya ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan tusaale waxaan sameynay in qof kasta oo mushaar qaadanaya uu Akoon furto si loo ogaado in qofkaasi akoonkiisa lacagta ku dhacday”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in Muqdisho lagu balaariyay Maaliyadda, isla markaana dowlad Goboleedyada ay wada kulmeen, taasoo suurta galineysa in lagu hamiyo dalka oo dhan in Bajadkiisa la diyaarino sidoo kalena aan mideyno Canshuuraha dalka soo galaya meel kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...